Madaxweynaha waddanka Turkiga ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay ka dalbatay dawladiisa in ay baadho shidaalka ku jira dalka Soomaaliya.

Erdogan oo kasoo noqday shirka dhexdhexaadinta ee dhinacyada ku dagaalamaya waddanka Libya, ayaa xusay in kadib sahaminta ay ka bilaabeen Libya, ay Soomaaliya dalbatay in Turkigu uu ka caawiyo sidii ay khayraadkeeda ulasoo bixi lahayd.

Arintan ayaa imanaysa xili shirkado laga leeyahay reer Galbeedku ay hadda gacanta ku hayaan hawlaha sahaminta shidaalka Soomaaliya.

Turkiga waxa si wayn loogu xasuustaa in uu taageero aanay cid kale siinin u fidiyay Soomaaliya, xili ay la halgamaysay duruufo adag oo colaad iyo abaaroba leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga