Soomaaliya waxa laga xusayaa sanad guuradii 2-aad ee kasoo wareegtay weerarkii lagu hoobtay ee ka dhacay is-goyska Soobe ee magaalada Muqdisho, halkaas oo laba sanno ka hor ay boqolaal qof ku dhinteen.

In kabadan 500 oo qof ayaa ku dhintay halka dad kalana illaa imika la la’yahay kadib markii gaadhi xamuul ah oo waxyaabaha qarxa lagasoo buuxiyay lala eegtay isgoyska mashquulka badan ee Soobe, kuna yaala magaalada caaasimadda ah ee Muqdisho.

Weerarka ayaa ahaa kii ugu xumaa uguna dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya, wuxuuna wali baaqi ku yahay quluubta kumanaan Soomaali ah oo qaarkood ay eheladoodu ku dhinteen.

Waa xuskii labaad ee loo samaynayo dadkii ku waxyeeloobay weerarka, iyadoo hore taalo looga dhisay magaalada Muqdisho.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga