Wakaaladda wararka Soomaaliya ee Sonna ayaa qortay in qofkii ugu horreeyay ee cudurka Coronavirus ah laga helay gudaha dalka Soomaaliya.

Warka wakaaladda wararka, ayaa u dhignaa sidan:

”Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus laga helay muwaadin Soomaaliyeed oo hadda goob loogu talagalay lagu karantiilay.

Wasiirka caafimaadka XFS, Marwo Fowziyo Abiikar Nuurayaa sheegtay in Dowladda dadaal walba ku bixineyso sidii muwaadinkaas oo dalka dibadiisa ka yimid loo baxnaanin lahaa.

Cudurka Corono Virus ayaa fara ba’an ku haya caalamka,waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bixisay dadaal kasta oo faafitaanka cudurkaas looga hortagi karo”.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga