Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa dhigeeda Kenya ku eedaysay in ay farogalin ku hayso gudaha Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee dawladda dhexe.

Soomaaliya waxay Kenya u sheegtay in ay joojiso farogalinta amni iyo siyaasadeed ee ay ka wado gudaha dalkeeda, xili ay wali taagantahay dacwadda dhanka badda ee u dhaxaysa labadan waddan ee ku yaala bariga qaaradda Afrika.

Xukuumadda Muqdisho waxay ka digtay in farogalintani ay wiiqdo xidhiidhka labada waddan, iyadoo sidoo kale xukuumaddda Nairobi uga digtay in ciidankeeda Soomaaliya ku sugan ayna u adeegsan arimo ka baxsan hawlaha nabad-ilaalinta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga