Dawladda Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aan ay habeen hore gaadhay oo ahaa in danjiraha Kenya ee Soomaaliya uu ku laabto dalkiisa, halka ay u yeedhatay danjirihii Soomaaliya ee Nairobi.

Wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya oo u waramay VOASomali ayaa xusay in aanay eryin danjiraha Kenya, balse wada tashi ay ugu direen dalkiisa, si la mid ah sidii ay samaysay Kenya sanadkii hore markaas oo danjirihii Soomaaliya ay ku wargalisay in uu wad atasho ugu laabto dalkiisa.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa tibaaxay in Kenya ay wado farogalin ay ku hayso arimaha Soomaaliya ee doorashooyinka iyadoo cadaadis saaraysa maamul goboleedyada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga