Soomaaliya ayaa ku warantay in ay diwaan galisay tiradii ugu badnayd ee hal maalin u dhinta caabuqa Covid-19, sida lagu xusay war kasoo baxay wasaaradda caafimaadka.

Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya ayaa tibaaxday in ay 6 qof maalintii shalay ahayd xanuunka ugu geeriyoodeen gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

49 kiis ayaa sidoo kale ay wasaaraddu sheegtay in ay diwaangalisay shalay oo qudha, waxaanay hadda tirada guud ee dadka laga helay xanuunka gudaha Soomaaliya ay noqonaysaa 286 qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga