Dalka Soomaaliya ayaa gaadhay marxalad muhiim ah oo dhabaha u xaadhaysa in laga dhaafo daynta balaayiinka dollar ah ee lagu leeyahay dalka.

War ay si wada jira u soo saareen Bangiga Adduunka iyo hay’adda lacagta ee IMF ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay u hadhsantahay marxaladda dhammaystirka oo kaliya (completion point) taas oo muddo saddex sanno ah qaadan karta.

Raysalwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa soo dhaweeyay marxaladan uu dalkiisu gaadhay, isagoo u mahadceliyay dadka Soomaaliyeed, madaxda Bangiga Adduunka iyo IMF iyo guud ahaan cid kasta oo ka qayb qaadatay hawshan adag.

Hadii Soomaaliya daynta laga cafiyo waxay awood u heli doontaa in ay dalkeeda ka dhisto dhanka dhaqaalaha, waxay heli doontaa maalgalino caalami ah, iyadoo la macaamili karta hay’adaha dhaqaalaha ee kala duwan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga