Maanta waxay ku beegantahay sanad guuradii 4-aad ee kasoo wareegtay markii qarax awood badan lala beegsaday is-goyska mashquulka badan ee Soobe ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ku dhawaad 1000 qof lagu dilay.

Wuxuu ahaa mid ka mid ah qaraxyada argagixiso ee ugu dhimashada Afrika iyo caalamka labadaba, maka la eego tirada dadka ku dhimatay iyo baaxadda qaraxa.

Magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya iyo dibadda ah ayaa laga xusayaa sanad guuradan iyadoo la xasuusanayo dadkii tirada badnaa ee dhintay oo weli in badan oo ka mid ah la la’yahay maydadkoodii.

Qaraxa ayaa dhacay 14 bishii October sanadkii 2017 goor gelin danbe ah, oo is-goyskuna uu aad u mashquul ama saxmad badnaa. Inta la ogyahayna ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas, oo ay iska fogaysay kooxda alShabaab oo lagu eedeeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga