Soomaaliya waxay ku guul daraysatay in ay ka mid nqooto Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midawga Afrika, kadib doorashada dawladaha xubnaha ka noqonaya Golahan oo Addis Ababa ka qabsoontay.
Golahan ayaa ka shaqeeya arimaha nabadaynta iyo amniga ee guud ahaan wadamada qaaradda Afrika, iyadoo masuul uu ka yahay jaan goynta hawl galo ay qaarkood Soomaaliya ka socdaan.
Wadamada kusoo baxay waxay kala yihiin Djibouti, Tanzania, Uganda, Burundi, DRC Congo, South Africa, Zimbabwe, Namibia, Morocco, Tunisia, Cameroon, Ghana, Nigeria, Gambia, iyi Senegal.
Waxa jiray khilaaf laga heshiiyay oo u dhexeeyay Golahan iyo dawladda Soomaaliya, kluna aadanaa mustaqbalka AMISOM.