Soomaaliya waxay dalka ay jaarka yihiin ee Kenya ugu baaqday in ay dib u furato safaaradda ay ku lahayd magaalada Muqdisho oo aan laga hawl galin in muddo ah, kadib labada waddan oo xidhiidhka isu jaray iyadoo Soomaaliya ay caydhisay safiirkii Kenya ee Soomaaliya.

War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay rabto in xidhiidhka labada waddan uu sidiisii kusoo noqdo, iyadoo xukuumadda Nairobi usoo jeedisay in diblomaasiyiinteeda ay dib Muqdisho u keento. Soomaaliyana ay mar akle furayso safaaradeeda ku taala magfaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Soo celinta xidhiidhka ee labada waddan ayay xukuumadda Muqdisho ku sheegtay mid qayb ka qaadanysa is kaashiga labadan waddan ee ka dhaca Bariga Afrika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga