Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay magaalada Addis Ababa ee caasimada waddanka Itoobiya.
Arimaha lagaga wada hadlay waxa ka mid ah saamaynta cudurka Covid-19, Amni xumada, xasilooni darrada, iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee Qaaradda Afrika.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa soo bandhigay guulaha dawladda Federaalka Soomaaliya kaga tallaabsatay la dagaallanka argagixisada, xasilinta dalka, ka hortagga cudurka COVID-19 iyo sida ay dowladda Soomaaliya diyaar ugu tahay in walaaleheeda Afrikaanka ah ay iskaashi buuxda kala yeelato sidii wax looga qaban lahaa dhammaan khataraha ay wajahayso Qaaraddu.