Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horreysay ka hadashay go’aanka ay dowladda Kenya ku xadidday dal ku galka ,iyadoo maalin ka hor laga hor istaagay inay gudaha u galaan Nairobi mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay go’aankii ay dhowaan qaadatay Dowladda Kenya ee lagu xadaynayey Dalkugalka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah uga walaacsantahay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhowaan u safray magaalada Nairobi, kuwaas oo ay ku jireen wasiirro iyo xildhibaanno, ay xinnibaad ku sameeyeen saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka Kenya, Baasaboorradoodii laga qaaday, ka bacdina dib loogu soo celiyay Muqdisho… Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay muujinaysaa walaaca ay ka qabto in dib loo soo celiyay baaritaanka dheeriga ah ee lagu sameynayo Soomaalida safarka ku aadda Nairobi, iyada oo qasab looga dhigay inay magaalada Wajeerr ku hakadaan si baaritaan amni loogu sameeyo.

Arrintani waa mid ka hor imanaysa heshiiskii ay labadeenna dowladood hore u galeen ee ku saabsanaa in dullimaadyada Muqdisho-Nairobi ahaadaan kuwo toos ah.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

“Tallaabooyinkaasi waxay carqalad ku yihiin xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidaasdarteed, dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dowladda Kenya inay xeeriso carqaladaha ay keeni karaan tallaabooyinkaasi oo ay ilaaliso xiriirka soojireenka ah ee u dhexeeya labadeenna dal, isla-markaana tixgeliso dabciga dublamaasiyaddeed iyo ixtiraamka labada waddan kala mudan yihiin.Dowladda Soomaaliya waxa dhankeeda ka go’an inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, waxaynu sii wadi doontaa soo dhaweynta muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya.”

Gabagabadii, warsaxaafadeedka waxaa lagu yiri “Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo fursaddan ka faa’iideysanaysa waxay tixgelin iyo qaddarin aad u sarreysa u ballanqaadaysaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya.”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga