Soomaaliya ayaa 25 tan oo ah gargaar u dirtay dalka Koonfurta Suudaan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee ku hadasha afka dawladda Soomaaliya, Maamulka Safaaradda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka Koofurta Sudan oo kaashaneysa jaaliyadda wadankaasi ayaa 25 tan oo deeq gargaar ah gurmatay dadka ku hanti beelay fatahaadaha ka dhacay wadankaasi iyadoo sida ay wakaaladda afka dawladda Soomaaliya sheegtayna deeqdaasi ku wareejisay dowladda Dalkaasi koonfurta Suudaan.

Munaasabadda Wareejinta deeqdaasi , ayaa lagu qabtay magaalada Jubba ee caasimadda Koonfur-Suudaan, iyadoo ujeedka deeqdaasina lagu sheegay mid ahayd in bulshada Soomaaliyeed ay garab istaag u muujiso dadka reer Koonfur Sudan ee ku hanti beelay daadadka ku rogmaday.

Wakaaladda wararka afka dawlada Soomaaliya ku hadashaa waxay sheegtay oo kale in

Wareejinta raashinkaas ay ka qeyb galeen madaxweyne-ku-xigenka koofurta Sudan mudane Hussien abdilbaqi akoul, wasiirka arrimaha baarlamaanka, wasiirka warfaafinta, iyo madax kale oo ka tirsan dowladda wadankaas.

Dhanka Soomaaliya oo deeqda wareejinaysay, ayaa waxaa kasoo qaybgalay

safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalkaas Ambassador Xuseen Xaaji Axmed,madaxda jaaliyadda  Soomaaliyeed ee deeqda soo arruriyay.

Deeqdan ka koobnayd 25-ka tan, ayaa waxay ka koobnayd noocyo kala duwan oo raashin ah waxaana la wareegay oo uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed madaxweyne ku xigenka dalka K/Sudan Hussien abdilbaqi akoul  isagoona ku amaanay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkiisa kaalinta ay mar wlba ka qaataan ugar gaaridda walaalahooda koofurta Sudan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga