Soomaaliya waxay isu diyaarinaysaa in ay lasoo baxdo shidaal laga helay afar ceel oo ku kala filiqsan gudaha waddanka.

War kasoo baxay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la dhammaystiray dhamaan hawlaha hordhaca ah ee loo baahnaa sida sharciga shidaalka iyo sahaminta. Waxaana ay bilaabaysaa bixinta liisamada cida danaynaysa in ay maalgashadaan soo saarida shidaalka Soomaaliya oo muddo dheer la sugayay.

Baloogyo ku yaala Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeele iyo Galmudug ayaa hadda u diyaarsan in lasoo saaro shidaalka laga helay, sida lagu xusay qoraal uu soo saaray wasiir ku xigeenka batroolka Soomaaliya.

Wadamada aanay qaan-gaadhka ahayn dawladnimadoodu ama colaadaha kasoo kabanaya ayaa inta badan isku khilaafa saami-qaybsiga dhaqaalaha shidaalka, iyadoo Soomaaliyana ay maamul goboleedyada qaar saluugsanyihiin hanaanka ay dawladda dhexe ku maamulayso shidaalka waddanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga