Kenya wali waxay raadinaysaa in khilaafka kala dhaxeyaa somalia lagu dhameeyo hab waan waan ah, oo lagu dhex dhexaadiyo labadan waddan ee ku muransan biyaha ku yaala badweynta Hindia.

Xukuumadda nairobi ayaa laba codsiyo u dirtay golaha ammaanka ee qaramada midoobay iyo midawga afrika, iyadoo u muuqata in ay yool-habaabinayso xudunta khilaafka u dhexeeya labada waddan.

Qoraal 8 bog ka koobnaa ayay kenya u dirtay midawga afrika, iyadoo carabka ku adkaynaysa arimaha amniga gobAlka, la dagaalanka alshabab iyo ciidankeeda ku sugan gudaha somalia. 

Qoraalka ayaa lagu xusay in khilaafka labada dal uu curyaaminayo dedaalada nabadaynta ee kenya ka wado Soomaaliya, waa sida ay hadalka ay u dhigeene.

Dawladda soomaaliya ayaa gabi ahaanba ku gacansaydhay dalabka kenya ee ah in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka jira. 

Xukuumadda muqdisho waxay ku adkaysanaysaa in kiiskan lagu dhameeyo maxkamadda ICJ.

Kenya waxay sheegaysaa in go’aan ay gaadho maxkamadda cadaalda dunidu aanay xal waara u noqon karin muranka badda. Waxay in taa ku dartay in xukun kasoo baxa maxkamaddu aanu qayb ka qaadan doonin xasiloonida amni, dhaqaale iyo isdhexgalka bulsho ee labada waddan, oo bay tidhi udub dhexaad u ah in la helo xidhiidh kala madaxbanaan isla markaana Nabad-doon oo dhexmara Soomaaliya iyo kenya.

Maxkamadda ICJ ayaa kiiska labada waddan dhagaysan doonta 9-ka bishan inagusoo foolka leh, iyadoo shacabka labada waddan ay u dheg-taagayaan natiijada kasoo baxda muranka labada waddan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga