Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeediyay kulanka shir-madaxeedka hogaamiyayaasha Afrika oo lagusoo afmeeray magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Itoobiya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka sheekeeyay dedaalada ay dawladdiisu ugu jirto sidii ay u cidhib tiri lahayd argagixisada Soomaaliya, oo curyaamisay hawlaha horumarka dalka, sida ay ku sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa madaxda Afrika u sheegay in dalkiisu uu rabo in laga qaado cunaqabataynta saaran ee dhanka hubka, si ay usoo iibsadaan hub casri ah oo ay kula dagaalami karaan alShabab, oo uu sheegay in ay qaraxyo guryaha lagu farsameeyay ay la beegsadaan dadka shacabka ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga