Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, danjire Abuukar Baalle

Soomaaliya waxay dacwad ka gudbisay dawladda Kenya iyadoo dacwaddan gaadhsiisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle, ayaa dacwadda Soomaaliya ka hor akhriyay Golaha Ammaanka.

Soomaaliya waxay Golaha Ammaanka u sheegtay in Kenya ay duqaymo sharci darro ah ka gaysatay qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya, halkaas oo qoysas ay ku xasuuqeen diyaaradaha Kenya oo kasoo tallaabay xadka Soomaaliya.

Danjire Baalle wuxuu Qaramada Midoobay tusay caddaymo muujinaya gabood falada ay ciidamada Kenya ka gaystee gudaha Soomaaliya, isagoo soo bandhigay sawirada dadkii ay waxyeeladu kasoo gaadhay.

Hooyo iyo ilmo yar ayaa ku dhintay duqaymaha Kenya, halka caruur kalana uu dhaawac kasoo gaadhay, sida uu sheegay danjiraha Soomaaliya, Abuukar Cumaan Baale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga