Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Shaacisay in Bil kadib ay Bixinayso shantiga ilaa 30 Bilyan oo foosto oo shidaal ah taas oo ay Dawladu uga Goleedahay in ay Ku soo jiidato shirkaddaha maalgashiga sameeya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dowladda Soomaaliya Cabdirashid Maxamed Axmed oo Dalka Koonfur Africa Kaga qayb Galaya shir ku saabsan shidaalka iyo Gaas-ka,  ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in sahankii dhawaan laga sameeyay 15-ka xidhmo, ay ku jiraan shidaal dhan 30 bilyan oo foosto.

“Halka laga helay xidhmooyinkan wey ka fog yihiin halka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya, dacwadaas oo imka hortaala maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayuu u   Wasiirka Wakaaladda Reuters

“Soomaaliya waxaa hore loogu yaqaanay budhcad badeed, argagixiso iyo xasilooni daro , dowladdana waxaa ay wadaa dedaal lagu xasilinayo dalka,” ayuu Hadalkii sii Raaciyey wasiirku.

Wasiirka ayaa sidoo Kale Sheegay in Maalgashiga Lagu Samaynayo Gaaska iyo Shidaalka Dalka Soomaaliya uu Fursad u Yahay Dhalinyaradda Soomaaliyeed oo Shaqo La’aan Baahsani Saamaysay.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dhawaan la Filayaa in uu Saxeexo Sharciga Shidaalka Kaas imika Horyaala Aqala Sarre.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga