Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kiisas cusub oo ah cudurka Coronavirus laga helay Soomaaliya, kiisaskan cusub ayaa kor usii qaaday tirada dadka uu cudurka ku dhacay gudaha Soomaaliya.

Qoraal kooban, oo kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, ayaa lagu xusay in la xaqiijiyay laba kiis oo cusub sida ay qortay wakaaladda wararka Soomaaliya ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loogu yeedho SONNA.

Labada qof ee la helay, ayuu midkood yahay ajnebi halka ka kalena uu yahay muwaadin Soomaaliyeed.

Hore ayaa gudaha Soomaaliya looga helay saddex qof oo hore, iyadoo Somaliland sheegtay inay heshay laba qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga