Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, ayaa kala saxeexday heshiis Deyn cafin ah, kaas oo daba socda go’aankii wadamada Paris Club oo Soomaaliya lagaga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii hore ee 2020-kii.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu soo geliyay bartiisa bulshada waxaa uu ku yidhi:

Maanta waxa aan Dowladda Taliyaaniga la saxiixanay heshiis Deyn_Cafin ah oo daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii.

Waxa aan u mahadcelinayaa Safiirka Dowladda Italy u jooga Soomaaliya Mudane #Alberto_Vecchi oo si gaar ah nagala shaqeeyay Saxiixa maanta inoo suuro galay”

SAAB TV, barta xogta laga helo.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga