Dawladda Soomaaliya iyo Midawga Afrika ayaa ka heshiiyay mustaqbalka ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha waddanka Soomaaliya.

Muddooyinkii danbe ayaa muran xoogani uu ka taagnaa sida uu noqonayo mustaqbalka ciidamada AMISOM iyadoo la rabay in marka uu haw galku dhamaado imika lagu wareejiyo Qaramada Midoobay.

Soomaaliya iyo Golaha Amniga Midawga Afrika ayaa ku heshiiyay in saddexda sanno ee soo socda ay si wada jira usii maamulaan hawl galka, iyadoo magaca laga bedelay lagana dhigayo Hawlgalka Ku-meel-gaadhka ah ee Midawga Afrika ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa hore u diiday in Qaramada Midoobay lagu daro hawl galka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga