Madaxweyneyaasha Soomaliya iyo Kenya Ayaa Ka Wada Hadlay Xoojinta Xidhiidhka Labada Dal Ee Dhinacyada Ammaanka, La Dagaallanka Kooxaha Argagixisada Ah, Ganacsiga Iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada.

Dowladaha Soomaaliya Iyo Kenya Ayaa Ku Heshiiyay In La Sameeyo Guddi Wadajir Ah Oo U Kuurgala Xaaladda Degmada Baladxaawo, Isla Markaasna Soo Diyaariya Warbixin Dhameystiran Oo Ku Saabsan Xaaladda Dhabta Ah Ee Ka Jirta Xuduudda U Dhaxeysa Labada Dal.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta Ayaa Sheegay In Dowladda Kenya Ay Taageero Joogta Ah Siineyso Shacabka Iyo Dowladda Soomaaliya, Waxa Uuna Intaas Ku Daray In Dowladdiisu Ay aaminsan Tahay In Midnimada Iyo Madax Bannaanida Soomaaliya Ay Tahay Lama Taabtaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga