Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa Xal Ka Gaadhay Murankii Diblomaasiyadeed ee soo Kala Dhex Galay Labadda Dawladood Sida Lagu Sheegay War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa saaka Kulan midho dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya.
Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xidhiidhka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xidhiidhta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka.

Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya”ayaa lagu yishi War saxaafadeedka Madaxtooyada ka soo baxay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga