Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eriteriya ayaa magaalada Asmara ku saxeexay heshiis cusub oo u dhaxeeya labada waddan ee dhaca Geeska Afrika.
Farmaajo ayaa dhawaan socdaal ku tagay Asmara, kadib markii uu magaalada Jubba kaga qayb galay heshiis nabad oo ay gaadheen dhinacyada ku dgaaalamaya dalka koonfurta Suudaan.
Labada hogaamiye waxay heshiis ku gaadheen in lasii xoojiyo heshiis ay wada gaadheen sanadkii 2018, kaas oo dhigayay in madaxbanaanida Soomaaliya ay ixtiraamo. Waxay sidoo kale isla qaateen in iskaashiga u dhaxeeya la xoojiyo, iyadoo is-dhex-galka gobolkana mar kale la dar dar galinayo.