Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee Soomaaliya kuwaas oo magacooda layidhaa Danab, ayaa hawl-gal xalay saqdii dhexe ay qaadeen, kuwaas oo ka fuliyay deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada hoose waxa ay ku dileen horjoogeyaal katirsan kooxda Alshabaab.

Warkani oo ay baahisay wakaaladda afka dawladda Soomaaliya ku hadasha ee Sonna, ayaa waxaa ay intaasi ku dartay in hawl-galka ay qaadeen ciidamada komaandoosta Soomaaliya ee danab ay hawl-galka ku dileen 8 ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Warbaahinta dalwadda Soomaaliya waxay sheegtay in 8 qof ee la dilay ay isku jireen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad katirsan kooxda isla markaana hawl-galka ay ciidanku qaadeen uu ahaa mid guulaystay una fulay sidii loogu talagalay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka ee Soomaaliya ayaa u sheegay in horjoogayaasha la dilay ay ahaayeen kuwo dhibaato badan ku hayay Ummadda Soomaaliyeed, isla markaasna la soo afjaray.

Weli may soo gaadhin ilo madax-bannnaan oo soo gaadhay xafiiska warqabadka telefishanka Saab TV kuwaas oo xaqiijinaya sheegashada ciidanka dawladda Soomaaliya.

 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga