Dawladda Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarkii shalay lagu qaaday magaalada Abu Dhabi ee caasimadda Imaaraadka Carabta, kaas oo ay sheegatay kooxda Xuutiyiintu.

War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay ka xuntahay weerarka Xuutiyiinta isla markaana cambaaraynayso.

Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaanu xidhiidhkoodu wanaagsanayn sanadihii dhawaa iyadoo labada waddan ay xurgufi ka dhaxasay, balse raysalwasaaraha Soomaaliya, Rooble, ayaa sameeyay dedaalo uu xidhiidhka dib ugu unkayo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga