Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in 65 kiis oo cusub oo ah Coronavirus laga helay gudaha Soomaaliya, qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, ayaa lagu yidhi:

”Maanta oo ay tariikhdu tahay 14 May 2020, Wasiir Fawziya Abikar Nur ayaa ku dhawaaqay tirada xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19 in ay tahay 65 xaaladood oo lagasoo xaqiijiyay 5 Maamul Goboleed oo kala duwan.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga xaqiijiyay 24 xaaladood, Maamulka Somaliland 14 xaaladood, Gobolka Banadir 13 xaaladood, Mamulka Puntland 13 xaaladood iyo Maamulka Jubaland 1 xaalad.

Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneyso 1,284 xaaladood, waxaana geeriyooday 1 bukaan, halka ay bogsootay 5 bukaan.

Wasiirka ayaa aad u adkeeyay ahmiyada ay leedahay ka hortagga iyo feejignaanta si bulshada ay uga badqabto caabuqa waxyeelada weyn leh, waxaana ay ku boorisay bulshada in ay u midoobaan la dagaalankiisa ayna hal meel ugasoo wada jeestaan ayagoo ku dadaalayo dhaqan gelinta siyaabaha looga hortaggo caabuqa oo ay Wasaaradda Caafimaadka iyo quburada caafimaadka ay ugu baaqaan”

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga