Ciyaartooyada kubadda cagta Soomaaliya, ayaa guul layaab leh kasoo hooyay kulan ciyaareedkii dhex maray iyaga iyo kuwa dalka kuyaal koonfurta Afrika ee Zimbabwe, ciyaarta ay Soomaaliya afka ciidda ugu dartay Zimbabwe, ayaa ka dhacday dalka Jabbuuti.

 

Lugta labaad ee ciyaarta, ayaa ka dhici doonta magaalada Haraare ee caasimadda dalka Zimbabwe.

Dhallinyaro badan oo Soomaali ah, ayaa markii ugu horraysay ka qayb galaya ciyaar ay ciyaarayaan xulka qaranka Soomaaliya, sida uu baahiyay telefishanka qaranka Somaliland, dhallinyaro badan oo Soomaali ah, ayaa safar dhanka dhulka ah kasoo galaya dalka Koonfurta Afrika iyagoo usoo socdaalaya dalka Zimbabwe si ay usoo daawadaan una soo taageeran ciyaartooyada dalkooda.

Halka qaar kale ay diyaarado u soo raacayaan.

Soomaaliya, ayaa weligeed meel hore ku hadhi jirtay ciyaaraha, balse dad badan oo Soomaali ah, ayaa sheegaya inay sharaf usoo hoyn doonaan magaca Soomaaliga ee dunida loo bahala geliyay.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga