Magaalada Toronto ee dalka Canada waxa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo haystay dhalashada dalka Canada.

Sahal Maxamed Sahal oo ahaa 35-jir ayaa rag hubaysani ay rasaas ku fureen isaga iyo gabdho la socday, taas oo keentay in dhaawaca soo gaadhay uu u dhinto Sahal.

Ciidamada Booliska ee Toronto ayaa baadhitaan wada iyagoo ku raad jooga cidda dilka ka danbaysay.

Waxa xusid mudan in sanadihii lasoo dhaafay Soomaali badan lagu dilay Waqooyiga Ameerika, iyagoo siyaabo kala duwan loo dilay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga