Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay xilka-qaadistii dhawaan lagu sameeyay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland, Dhoobo daarood  Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inay sharci darro ahayd isagoo yidhi: ”Arrin khalad ah, oo sida dastuurkoodu sheegayo ciddii meesha ku fadhiday aan sidii sharciga ahayd loo marin, waxaan u aragnaa inay sifo sharci darro ah u dhacday, Dhoobo waa nin Somalilander ah, isagoo aaminsan Somaliland hadduu imanayo, aad iyo aad baannu usoo dhawaynaynaa”

Wasiirka ayaa sheegay inuu guddoomiyihii baarlamaanka Puntland kamid ahaa dadkii uu dhawr iyo labaatankii sanno ee tegay uu u sheegayay inaan Soomaaliya waxba u oolin.

Wasiir Saleebaan, ayaa bogaadiyay dadkii reer bariga ahaa ee magaca madaxwaynaha ku dhawaaqayay isagoo sheegay in wax loo qaban doono, isagoo sidoo kale farriin u diray madaxwayne-ku-xigeenka Puntland kuna yidhi ”Inta aan eedaanku dhicin tasho”

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga