Somaliland waxay maanta u debaal dagaysaa 30-guurada kasoo wareegtay markii ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991, markaas oo magaalada burco lagaga dhawaaqay in Somaliland aanay ka mid ahayn Soomaaliya isla markaana ay dib uga laabanayso midawgii ay la gashay Soomaaliya sanadkii 1960.

Xuska sanadkan ayaa ah mid xadidan iyadoo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ay sheegtay in sababo ay aaburuhu ka mid yihiin loo baajiyay xus wayn oo loo qaban lahaa maalinta 18 May, taas oo dhaqaalaha ku bixi lahaana wax lagaga qabanayo arimaha abaaaraha.

Maxay Tahay 18 May

Somaliland waxay sanadkii 1960 ka qaadatay xornimada rasmiga ah dalka Ingiriiska oo wakhtigaas gumaysan jiray Somaliland, loona yaqaanay Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland.

Maalmo kadib markii ay Somaliland qaadatay xornimada waxay midaw la gashay Soomaaliya si shruuud la’aan ah, taas oo keentay in la dhiso Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed.

Kadib 30 sanno oo mdiaw la ahaa, Somaliland waxay go’aansatay in aanay qayb kasii ahaan Soomaaliya iyadoo sabab uga dhigtay tacadiyo abdan iyo awood qaybsi la’aan ay kala kulantay Soomaaliya. Dagaalo lagu hoobtay kadib, saanadkii 1991 bishii May, 19-keedii shir lagu qabtay magaalada Burco ayay beelaha Somaliland degaa ku sheegeen in ay yihiin qaran madaxbanaan.

Maalintaas (19 May, 1991) waxa laga joogaa 30-sanno welina Somaliland waxay  raadinaysaa aqoonsi caalami ah si ay u noqoto dal buuxa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga