Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Soomaaliya, kuwaas oo xukuumadda Muqdisho ay xulanayso xubno matalaya deegaanada Somaliland.

War kasoo baxay Wasaaradda Arimah Dibadda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in aanay Somailand qayb ka ahayn doorashooyinka Somaaliya isla markaana ay tahay dal madaxbanaan.

Bulshada Caalamka ayay u sheegtay in ay Soomaaliya ka go’day sanadkii 1991-kii.

Soomaaliya ayaa u astaysay in xubno matalaa Somaliland lagu doorto magaalada Muqdisho, si ay qayb uga noqdaan maamulkaas.

Halkan ka akhriso warka ay Somaliland soo saartay: 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga