Somaliland ayaa ah waddanka ugu horeeya ee aanay dumarkiisu ka qayb qaadan siyaasadda marka la bar bar dhigo wadamada kale ee gobolka Geeska Afrika, sida lagu xusay war bixin cusub oo uu soo saaray maxadka falanqaynta siyaasadda ee CPA fadhigiisuna yahay Hargeysa.

Warbixinta ayaa Somaliland bar bar dhigtay wadamada Geeska sida Itoobiya, Jabuuti, iyo Soomaaliya oo dhammaantood ay sheegtay in ay haweenka kootooyin gaar ah siiyeen si ay muuqato ka qayb qaadashadooda siyaasaddu. Baarlamaanada wadamadan ayay haweenku saamiyo badan ku leeyihiin, iyadoo xilalka kale ee la magacaabana ka muuqada, balse dimuqraadiyadda Somaliland ayay warbixintu xustay in ay ku guul daraysatay in haweenku ay saaxad helaan.

Ugu danbayn warbixinta maxadka CPA waxa lagu xusay in ay soo dhawaynayaan arimaha doorashada ee laha heshiiyay, issagoo maxadku dawladda usoo jeediyay in ay meel mariso kootada haweenka, isla markaana kor loo qaado xubnaha haweenka ee Golaha Wasiirada. 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga