Agaasimaha wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa waxaa uu ka warramay qof la sheegay inuu gudaha Somaliland ugu geeryooday xanuunka Coronavirus.

Dr. Xergeeye ayaa sheegay inaanay illaa hadda jirin wax caddaynaya in qofkaasi uu u geerooday Coronavirus, balse uu ahaa qof looga shakiyay xanuunka da’diisuna waynayd isla markaana laga qaaday shaybaadh, kaas oo la sugayo natiijadiisa.

Dr. Xergeeye wuxuu sheegay inaan illaa hadda la lahayn wax cusub oo kusoo biiray kiisaskii hore ay u hayeen, kuwaas oo sida uu sheegay kala ahaa lix qof oo laga helay tirada guud, laba qof oo ka bogsaday iyo 14 qof oo kujira karantiil, iyadoo guud ahaanna 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay laga baadhay xanuunka 1,378 qof oo kasoo galay xuduudaha kala duwan ee dalka, kuwaas oo aan lagu arag wax calaamado ah.

Gebagabada Dr. Xergeeye wuxuu sheegay in lixda gobolba ay ku diyaarsan yihiin meelihii loogu talagalay in ladhigo dadka uu soo rito xanuunku.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, Waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga