Magaaladda Jigjiga ee Caasimadda Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa waxa ka furmay shir lagu dhexdhexaadinayo Laba Beelood oo Dhowr Jeer dirir Colaadeed ay ku dhex martay Deegaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool.

Shirkan Nabada oo uu Marti galiyey Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa aragtiyo kala duwan laga bixiyay, waxaana maanta arrintaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud aadan oo sheegay In nabad ka hir gasha deegaankaasi ay tahay mid la wada raadinayo, isla markaana aanay waxba ku jabnayn in halkaasi lagu qabto shir nabadeed.

“Hadii cid kale gashay oo ay tidhi Guul baanu ka keenaynaa Raali baanu ka nahay waanan ka sugaynaa,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Gollaha guurtidda Somaliland.

In kasta oo ay colaadaha ka dhaca Gobolada Bariga Somaliland ay soo noq-noqdaan, Gudoomiye Saleeban Maxamuud aadan waxaa uu sheegay in ay soo dhawaynayaan Cid Kasta oo keenaysa, xal lagula tacaali karo sidii ay nabadi uga hir geli lahayd.

Dadkii ugu badnaa ayaa ku dhintay dagaalkii labada beelood oo walaalaha ah ku dhex maray Deegaanka, dhumay, waxaana uu xusay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan in labada dhinac isula soo baxeen Hubkii ugu cuslaa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga