Dawladda Somaliland ayaa kasoo horjeedsatay baaq kasoo baxay dawladda federaalka Soomaaliya kaas oo ku aadanaa sii anba qaadida wada hadaladii u dhaxeeyay labada dhinac.

War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland aanay wada hadal wakhtigan la bilaabi doonin xukuumadda madaxweyne Farmaajo.

Shalay ayay guddi uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wadahadalka Somaliland ay shaaciyeen in ay dhankooda diyaar yihiin, isla markaana ay sugayaan uun dhanka Somaliland.

Dawladda Somaliland waxay xustay in Soomaaliya aanay daacad ka ahayn wadahadal xiligan lagusoo beegay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga