Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday deeq waxbarasho oo ay Somaliland Itoobiya ka heshay,deeqdan waxbarasho ayaa dhan 450 arday kuwaasoo 370 arday ay soo diyaarin doonaan shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda, isagoo wasiirku sheegay in ardaydan laga qaadan doono dhammaan ardayda gobollada dalka oo dhan, gaar ahaan ardaydii sannadkan ka baxday dugsiyada sare.

Wasiirka ayaa sheegay in 80 arday ee soo hadhay ay yihiin kuwo soo diyaarin doona shahaadada heerka labaad amaba Masters Degree, kuwaasoo iyana loo qaybin doono jaamacadaha dalka Somaliland.

Wixii warar dheerad ah kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga