Somaliland iyo Imaaraatka Carabta ayaa Hore Hehiis Ku Kala Saxiixday in Imaaraatku Saldhig Militeri ka Samayto Magaaladda Dekadda Leh ee Berbera Khaasatan Madaarka Diyaaradaha ee Magaaladda Berbera.

Heshiiska oo Muddo Dheer soo jiitamayey Waxaa uu Muran Badan ka Dhex Dhaliyey Bulshadda ku dhaqan Somaliland,  Xisbiyadda Mucaaridka iyo Wliba Xukuumadda oo Heshiiska Gacanteeda Ku Saxiixday.

Heshiiska Ciidamadda Imaaraatka Loogu Ogolaanayo inay isticmaalaan Madaarka Diyaaradaha ee Magaaladda Berbera waxa Meel Mariyey Gollaha Wasiiradda Somaliland,  Waxaana Ansixiyey Golayaasha Guurtida iyo Wakiiladda oo isku Jira, iyadoo ugu Danbaytiina uu Saxiixday Madaxwaynihii Taladda Somaliland Xiligaasi Hayey Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Somaliland waxay Sheegtay in Codsiga Imaraatku Saldhiga Militari kaga Dhisanayo Berbera uu ka Yimid Boqorka Dalka Imaraatka Carabta,  Xili uu Dalkaasi Safar ku Joogay Madaxwaynaha Somaliland.

Sidoo Kale Somaliland Waxay Xiligaasi Xustay in Bogcadda ay Imaraatku Berbera Ka isticmaalayaan ay Tahay Madaarka Diyaaradaha iyo Qaybo Kamida Waqooyiga Xeebta Berbera.

Hadaba Madaxwaynaha Somaliland oo Safar ku Marayey Magaaladda Berbera ayaa Sheegay in Madaarka Diyaaradaha Berbera Lagusoo Celiyey Gacantii Dawladda Isla Maraakana Laga dhigi Doono Garoon Caalamiya.

“Garoonkii Berbera ee in badan lagu murmaayey ee imaaraatku dhisayeen Ciidankii waanu Ka wareejinay waa Shicib Maanta”  ayuu yidhi Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Wiigana waxaa imanaya Shirkadii dhisaysay Airportka iyo Taawarka, Waxanu naqonayaa Madaarka ugu Wayn” ayuu Hadalkiisa sii Raaciyey.

Madaxwaynaha Somaliland iyo Xukuumadiisu Wali May Cadaynin inay ka Baxeen Heshiiskii Mililtari ee Dawladda Imaaraatka iyo in ay Meel Kale Loo Wareejisay,  Waxaana Bulshadda Shaki wayn Galiyey Hadalkii Madaxwaynuhu Ka Jeediyey Gudaha Madaarka Berbera.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga