Duufanta Kyarr, ayaa la filayaa inay ku dhufato deegannada Somaliland iyo Puntland, sida ay ka digtay haayadda qaramada midoobay u qaabilsan cuntanda iyo beeruhu maalintii salaasada ahayd.

Duufantan, ayaa ah tii ugu xoogga waynayd muddo 12 sannadood ah, ee ku dhufata badda carabiya, taasoo wadata dabaylo xooggan iyo roobab, dabaylaha xooggan ee duufantan ayaa halkii daqiiqo waxay jarayaan 150 Meter ama tallaabo, taasoo la filayo inay si wayn u saamayso deegaannada Somaliland iyo Puntland.

Duufaantan oo loo bixiyay magaca Kyarr, ayaa kasoo bilaabantay waqooyiga badwaynta Hindiya, iyadoo la filayo inay soo gaadho deegannada Somaliland iyo Puntland afarta illaa shanta cisho ee foodda inagu soo haya, taasoo ka awood badan duufaantii kal hore ee Sagar loo baxshay ee galaafatay moodka iyo noolka iyo nafaha dad badan.

Digniinaha soo baxaya, ayaa sheegay inay dadku ay si wayn uga sii tabaabushaystaan, oo ay nafahooda iyo hantidoodaba ugala baxsadaan.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga