Waa doorasho kale oo ka yar tii hore, maxaa yeelay tirada dadka codka dhiiban doona, ayaa ah xildhibaannada aqalka golaha wakiillada Somaliland, kuwaas oo ku soo baxay, doorashadii labaad ee baarlamaan lagu soo doortay si dimuquraaddi ah, muddo 30 sanno ah oo ay Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideedii ay kula midowday  Soomaaliya.

Waa laba garab, inkasta oo ay ku caan yihiin muxaafad iyo mucaarad, haddana xildhibaanno xisbiyada kasoo kala baxay ayaa ku kala biiray labada dhan.

Dhan weliba si aad ah ayuu isugu dayayaa hanashada saddex kursi, oo kala ah shir-guddoonka golaha, ku xigeenkiisa oo ah midka koowaad, iyo ku xigeenka labaad.

Laba nin ayaa ugu cadcad, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, iyo Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, labadooduba waxay baarlamaanka kasoo galaan gobolka Sool, waxaanay Somaliland kasoo qabteen jagooyin door ah oo illaa heer wasiir gaadhsiisan.

U diyaargarowga dhinacyada ayaa dardar sii yeeshay kadib markii madaxwaynaha Somaliland uu xeer-madaxwayne ku meel-mariyay isugu yeedhidda golaha wakiillada cusub, kaas oo ku beegan maalinta berri oo ay bisha August tahay saddex, sannadkan 2021, waxaana warbaahinta bulshadana lagu baahinayay is-waydaarka xildhibaannada.

Labada dhan mid weliba waxay sheeganayaan in guushu iyaga la jirto, inkasta oo aan illaa haatan jirin cid dhexdhexaad ah oo si madax bannaan u xaqiijin karta xildhibaannada codayn doona maalinta berri.

Hore mucaaradka ayaa ugu eedeeyay xukuumadda madaxwayne Biixi, farogelin ay ku hayaan xildhibaannada kasoo baxay xisbiyada mucaaradka iyadoo la adeegsanayo awoodda dawladnimada, taasi oo ay ka digeen, inkasta oo xukuumadda Somaliland ay ku tilmaamtay waxba kama jiraan eedo loo soo jeediyay.

Dadwaynaha Somaliland oo iyana dareenkooda ku cabiray baraha bulshada, ayaa warwareegga xildhibaannada ku tilmaamay ‘’Star wars’’ inkasta oo kelmaddaasi tahay filin hawada lagu dagaallamayo oo soo baxay daba-yaaqada todobaatanaadkii, ayaa waxaa soo nooleeyay xildhibaan katirsan golaha guurtida Somaliland, kaas oo sheegay in qofkii aan si taxane ah ugu xidhnaan baraha bulshadu, uu ambanayo, taasi oo ay dadkuna sheegayaan inay ku ambadeen loollankan socda haatan.

Dadwaynaha ayaa is-waydiinaya qaabka uu u dhici doono berri fadhiga ugu horreeya ee baarlamaanka cusub, waxaana telefishannada ka sharraxaya dadka bartay aqoonta sharciga, iyo xildhibaanno muddo dheer kusoo dhex jiray siyaasadda Somaliland.

Wararka uu helayo telefishanka Saab TV, ayaa sheegaya in si wayn loo adkayn doono ammaanka golaha wakiillada maalinta berri, waxaana lasoo af-jari doonaa muddo laga dhur-sugayay gebagabadii doorashadii isa-saarnayd ee Somaliland ka qabsoontay, taasi oo la sugayo guddoomiyaha cusub ee golaha wakiilada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga