Tababaraha kooxda ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska ee Manchester United ayaa sawiro dhawaan laga qaaday ay muujinayaan gabow wajigiisa ka muuqda, xili macalinkan uu cadaadiskii ugu waynaa saaranyahay.

Macalin Solskjaer ayaa si rasmi ah loogu magacaabay tababaraha kooxda Man United, kadib guulo is-xig-xigay oo uu kooxda u keenay sanadkii hore, balse tan iyo intii uu bilaabmay xili ciyaareedkani waxa uu la daalaadhacayaa guul darrooyin badan oo kooxda god ku riday.

Solskjaer ayaa markii uu kooxda yimi u ekaa qof da’yar inkasta oo uu ahaa 46-jir, balse wajigiisa ayaa aad isu bedelay waxaana laga arkayaa gabow xad dhaaf ah muddo 8 todobaad ku siman.

Kooxda Man United ayaa ku jirta xaaladii ugu xumayd muddo 30 sanno ah, waxaana uucadaadis badani saaranyahay macalin Solskjaer oo shaqo badani u taalo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga