Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa  dib u helay Xorriyadiisa, ka dib markii uu in muddo ah ku xidhnaa magaaladda hargeysa.

Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa sidaasi ku xaqiijiyay bogga uu ku leeyahay Degalka Facebookga, waxaana uu sheegay in xoghayaha lagu sii daayay damaanad.

xadhiga Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID ayaa waxa markii la xidhay loo sheegay in loo haysto Eedaymo uu hore u jeediyay guddoomiyaha golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, hasayeeshee guddoomiye baashe Maxamed Faarax ayaa dhawr maalmood ka dib oo Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ku xidhnaa hargeysa warbaahinta u sheegay in uu iska cafiyay, kana saamaxay wax kasta oo dhex maray.

Xadhiga Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa noqonaya masuulkii saddexaad ee Ay xukuumaddu ka xidhno xisbiyadda Mucaaradka ah muddo dhawr bilood gudahood ah, waxaana ka horeeeyay xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi iyo afhayeenka Xisbigaasi Barkhad Jaamac Batuun kuwaas oo markii danbe la sii daayay.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Soomaaliland ayaa intii uu xidhnaa Xoghayahe Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax waxa ay xisbiyadda mucaaradka, beesha caalamka iyo shacabka soomaaliland qaybihiisa kala duwan kala kulmaysay dhaleecaynta xadhigaasi oo ay ku sifeeyeen in uu ahaa mid siyaasi ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga