Siyaasiga caanka ah ee Cabdirraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay inaanay jirin wax loo reebtay Somaliland, isagoo ujeeda xukuumadda federaalka Somaliland, taasoo uu sheegay inay si walba iskugu dayday inay u cunaqabtayso Somaliland.

Cabdirraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay inay wasiirro katirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, ay fidno ka dhex aabuuleen Somaliland, iyadoo Somaliland laga hor istaagay maalgelin oo dhan.

Cabdirraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ta uu aadka ula yaabay ay tahay, in nin maxkamdaha Maraykanka laga dacweeyay, oo dhib u gaysta dad reer Somaliland ah, uu madaxwayne Farmaajo sawir lasoo galo, balse sawir keliya aannu lasoo geline, uu wax ka maamulay xafladda.

Madaxwayne Farmaajo, ayaa sawir lasoo galay Korneel Yuusuf Cabdi Cali ” Tuke”, oo ay dad reer Somaliland ahi ka dacweeyeen maxkamadaha Maraykanka.

Cabdirraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inaanay”nimanka talada hayaa maanta waxba dan ka lahayn”.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga