Siyaasiga Cabdirraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah guddoomiyaha xisbiga WADAJIR, ayaa si adag uga hadlay hadallo baraha bulshada aad loogu cambaareeyay, kuwaas oo sheegayay inuu si kas ah meesha uga saaray xadiis laga soo weriyay nebi Muxummed (NNKH), balse Cabdirraxmaan Cabdishakuur ayaa beeniyay, isagoo ku tilmaamay inay hadalladaasi yihiin waxba kama jiraan.

Shir-jaraa’id oo uu goordhawayd qabtay, ayuu ku eedeeyay dawladda Soomaaliya, inay adeegsanayso wadaaddo iyada u shaqeeya iyo kuwo argagixiso ah, isagoo sheegay in hore dad badani ay dawladda ugu tuhmi jireen falal aragagixiso, balse sida uu sheegay ay maanta caddaatay inay dawladdu aragagixisada isticmaalayso.

Hadalka Cabdirraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo beegmaya, kadib markii uu wadaadka Xasan Daahir Aways ku sheegay Cabdirraxmaan Cabdishakuur inuu yahay ”Gaal” diinta ka baxay, muuqaal aad loogu baahiyay baraha bulshada.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay adduunka

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga