Ciidamada dawladda ayaa u jihaystay dhanka magaalada Sirte, waa dagaal mar kale nolosha dad badan galaafan kara maadaama ay magaaladan xeebta ku taalaa muhiimad wayn u leedahay cidda gacanta ku haysa. Furimaha dagaalka ayaa kasoo wareegay duleedka Tripoli, iyagoo imika yimi deegaanada uu ku xooganyahay Xaftar.

Dawladda Libya ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli waxa hadda rabtaa in ay si buuxda ula wareegto magaalada Sirte oo ay maamulaan ciidamada ka amar qaata jeneraalka Khaliifa Xaftar oo hore u ahaa taliyaha guud ee ciidamada dalka Libya.

Ciidamada Xaftar waxay dhufaysyo adag ka galeen magaalada Sirte iyagoo hub badan keenay. Waa magaalo ay hore u saameeyeen kacdoonadii ay NATO taageeraysay ee Mucaamar alQadaafi xilka lagaga tuuray, waxayna dhaqaale ahaan iyo istaraatiji ahaanba micno wayn u leedahay cidii gacanta ku haysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga