Hay’adda sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay ‘tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadayso wariyaha ka hawl gala idaacadda VOA laanteeda afka Soomaaliga, Harun Macruf, oo ay ku eedaysay in uu leeyahay xidhiidho halis ku ah amniga.

Qoraalka NISA ayaa u dhignaa sidan “NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta. Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka.”

Harun Macruf ayaa ah saxafi inta badan ka warama arimaha amniga iyo alShabab, wuxuuna buug ka qoray kooxda alShabab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Marar badan ayuu baahiyay warar xasaasi ah o arimaha amniga la xidhiidha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga