Sanado ka hor ayay iskaga baxday iskuulka balse maanta waxay samaysaa lacag ka badan $80,000 maalintii. Lifaaqan ka akhriso.

Gabadhan ayaa iskuulka laga saaray markii ay ku jirtay dugsiga sare, iyadoo sidaa kaga hadhay waxbarashada.Waxay bilawday nolo kale oo cusub, iyadoo aasaastay shirkad ka shaqaysa suuq-gaynta.

Hannah Kathleen oo jirta 22-sanno kanasoo jeeda magaalada Dublin ee waddanka Ireland ayuu asiibay xanuun la yidhaahdo Chronic Fatigue Syndrome markii ay jirtay 16-sanno. Xanuunkan ayuu qofku dareemayaa daal badan oo dhanka maskaxda ah, taas oo gabadhan yar ka reebtay waxbarashada.

Iyadoo niyad jabsan ayay bilawday bog online ah oo ay wax ku xayaysiiso. Taas oo muddo sagaal sanno gudahood ah ku kobcay, una saamaxay in ay safaro badan ku tagto meelo badan oo caalamka ah.

Waxay maalintii samaysaa lacag dhan £70K oo u dhiganta lacag ka badan $80K.

Todobaadkii hore ayay casuuntay koox maal-qabeeno-ganacsi ah oo daafaha dunida ay iskaga keentay, iyadoo koritaanka ganacsigeeduna uu si xawli ah u socdo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga