Waxa  jira warar badan oo shaki galinaya cidda dishay Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ku dhintay weerar lagu qaaday Hotel Afrik oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ayaa sheegay in qaabka uu u dhintay Jeneraal Galaal uu yahay mid baadhitaan u baahan. Waraysi uu siiyay idaacadda Kulmiye ayuu ku sheegay in Galaal xabad lagaga dhuftay madaxa isla markaana aanu jirin dhaawac kale ama xabado kale oo soo gaadhay jeneraalka. Indha-cadde wuxuu xusay in Jeneraal Galaal uu isagu gacantiisa ku dilay laba nin oo alShabaab ahaa isla markaana beegsaday qolkiisa, balse intaa wixii ka danbaysay ay ciidamada ammaanka Soomaaliya isaga dileen, waa sida uu aaminsanyahay markii uu eegay qaabka uu u dhacay dilku iyo meesha maydkiisa laga helay.

Indha-cadde wuxuu leeyahay khibrad ciidan iyo mid baadhitaan wuxuuna aragtidiisa qeexay isaga oo kaashanaya khibradihiisa. Xabadda madaxa kaga dhacday ayuu sheegay in aanay marna suurtagal ahayn in uu ku dhufto qof ay isku jiraa 2 mitir, balse ay ahayd mid ay ciidamada dawladdu ku dhufteen.

Jeneraal Indha-cadde wuxuu intaa ku daray in maydadka laba nin oo Shabaab ah la dul keenay maydka jeneraalka, iyo bambooyin uu watay jeneraal Galaal.

AHU Jeneraal Galaal ayaa watay bambooyin, baastoolad, iyo qori AK47 ah kuwaas oo uu isku difaacayay lana degenaa hotelka. Baastoolada iyo qoriga labadaba waxa qaatay ciidamada Soomaaliya.

Kooxda alShabaab waxay iyadu sheegatay in ay dishay Jeneraal Galaal, balse wali ma jirto cid xaqiijin karta iyadoo saraakiisha qaar ay shaki galinayaan.

Dhammaan kaameradaha Hotel Afrik ayaa la jajabiyay taas oo Jeneraal Indhacadde uu tibaaxay in ay leedahay shaki wayn.

Ma jirto cid gaar ah oo hadda lagu eedaynayo masuuliyadda dilka jeneraal Galaal, balse saraakiisha ayaa dalbanaysa in baadhitaan dhinacyo badan lagu sameeyo dilka AHU Jeneraal Galaal.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga