Sanadihii u dambeeyey waxa si xoogan u socday ololaha iyo dedaalada la xidhiidha sidii xidhiidho iskaashi iyo qaar diblomaasiyadeed looga dhex dhalin lahaa Israa’iil iyo wadamada Carabta, iyadoo ay dalalka Islaamka iyo Israa’iil ay ka dhexayso colaad salka ku haysa qaddiyadda dhulka Falastiin.

Israa’iil waxay hore xidhiidh buuxa oo diblomaasiyadeed ula lahayd laba dal oo qudha oo Carab ah, kuwaas oo kala ah dalalka Masar oo ay xidhiidh la samaysatay sannadkii 1979 iyo waddanka Jordan oo ay xidhiidh wada yeesheen 1994-kii, balse wixii ka dambeeyey sannadkii 2020 waxay Israa’iil ku guulaysatay inay xidhiidh la yeelato afar waddan oo kala ah Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Marooko iyo Suudaan, iyadoo ay Israa’iil weli waddo dedaalo diblomaasiyadeed oo ay xidhiidh kula yeelanayso dalalka kale ee Islaamka.

Haddaba, Mac-had cilmi-baadhista iyo daraasaadka sameeya oo xaruntiisu tahay Jaamacadda Princeton ee dalka Maraykanka ayaa soo bandhigtay natiijada xog-ururin ay doonayso inay ku ogaato sida ay dadweynaha Carabtu u arkaan xidhiidh ay dalalkoodu la yeeshaan Israa’iil.

Daraasadan xog-ururinta ah oo diyaarinteedu socotay intii u dhexaysay bishii October 2021 ilaa July 2022, isla markaana lagu xog-waraystay 26 kun oo qof oo ku kala nool 11 waddan oo ka mid ah dalalka Carabta ah ee ugu dadka badan Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, ayaa waxa ay khubarada daraasadan samaysay ay qof walba weydiiyeen su’aal isku mid ah oo ahayd ‘miyaad ogoshahay mise waad ka soo horjeedaa xidhiidhka dalalka Carabtu la yeelanayaan Israa’iil, iyadoo jawaabaha ay dadkaasi bixiyeena ay noqotay inay aad uga soo horjeedaan wax iskaashi iyo xidhiidh ah oo dhexmara Israa’iil iyo wadamada Carabta.

Sida lagu sheegay natiijada daraasadan, sagaal waddan oo ka mid ah 11 dal ee daraasadan laga sameeyey shantii qof ee su’aashan la weydiiyeyba afar ka mid ah ayaa diiday in dalalkoodu wax xidhiidh ah la yeeshaan Israa’iil, iyadoo dadka ugu badan ee ka soo horjeeda in xidhiidh lala samaysto Israa’iil ay yihiin dadka ku nool dalka Aljeeriya, kuwaas oo 96% ay diideen in dalkoodu xidhiidh la yeesho Israa’iil, waxaanna arrintan ogolaaday oo qudha 4% dadka reer Al-jeeriya.

Sidoo kale, dadweynaha ku nool dalka Masar ee daraasadan lagu xog-waraystay ayaa kaalinta labaad kaga jira dadweynaha Carabta ee diidan in dalkoodu xidhiidh la yeesho Israa’iil, iyadoo 95% dadka reer Masar ay ka soo horjeedaan xidhiidhka Israa’iil, waxaanna ogolaaday 5%, sidoo kale dalalka Jordan, Falastiin, Liibiya, Muritaaniya, Tuuniisiya, Ciraaq iyo Lubnaan ay dadweynaha ku nooli si xoogan uga soo horjeedaan xidhiidhka dalalka Islaamku la yeelanayaan Israa’iil.

Sidoo kale, dadweynaha ku nool dalka Marooko ayaa la ogaaday in saddexdii qofba uu mid ka mid ahi ogol yahay xidhiidhka Israa’iil, taas ah in 31% ay dadka reer Marooko taageersan yihiin xidhiidhka Israa’iil, waxaanna ka soo horjeeda 69% dadka reer Marooko, halka sidoo kale dadka waddanka Suudaan ay 39% soo dhaweeyeen xidhiidhka dalalka Carabta iyo Israa’iil.

Inkastoo sida daraasadan Caalamiga lagu sheegay ay dadweynaha Carabtu si xoogan uga soo horjeedaan xidhiidh ay wadamadoodu la yeeshaan Israa’iil, haddana waxa weli socda dedaalo ay si weyn dabada uga riixaan Maraykanka iyo Israa’iil oo lagu doonayo in dalal kale oo Islaam ahi ku soo biiraan wadamada xidhiidhka iskaashi la yeeshay dawladda Yuhuudda, iyadoo dalalka waqtigan sida weyn xoogga la saarayo ay ka mid tahay Boqortooyada Sucuudiga, waxayna Maraykanka iyo Israa’iil geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii dawladda Sucuudiga loogu qancin lahaa xidhiidh ay la yeelato Israa’iil, iyagoo aamisan in haddii Sucuudigu xidhiidh la yeesho Israa’iil ay taasi fududayn doonto in dalalka kale ee Islaamkuna ku dayan doonaan tallaabadaasi uu Sucuudigu qaaday.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa shalay saxaafadda u sheegay inay adag tahay in xiligan la gaadho xidhiidh dhexmara Israa’iil iyo Sucuudiga, isagoo xusay in adag yihiin Shuruudaha ay dawladda Sucuudigu soo bandhigtay, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin xallinta qaddiyada dalka Falastiin ee ay Israa’iil xoogga kaga haysto dhulkeeda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga