Xiddiga Kooxda Real Madrid Ee Cristiano Ronaldo Ayaa Dad Badan U Muujiyay In Ay Ku Khaldanaayeen Kadib Markii Ay Bilowgii Xilli Ciyaareedkan Sheegeen In Ay Ronaldo Ka Dhamaatay Kubadu.

Goolkii 2-Aad Ee Maqaska Ahaa Ee Uu Ka Dhaliyay Juventus Ayaa Ahaa Goolkii Ugu Quruxda Badnaa Abid Ee Laga Dhaliyay Tartanka Champions League.

Kaliya Maaha Goolka Ugu Quruxda Badan Ee Abid Laga Dhaliyay Tartanka Waxa Uu Sidoo Kale Kooxdiisa Ka Caawiyay In Ay Sii Wataan Rikoorkooda Cajiibka Ah Ee Tartamada Yurub.

Ronaldo Ayaa Xitaa Taageerayaasha Juventus Ku Qasbay In Ay U Sacabiyaan.

Hadaba Waxa Aynu Eegi Doonaa Waxa Ay Saxaafada Spain Ka Yidhaadeen Qaab Ciyaareedkii Cajiibka Ahaa Ee Uu Xiddigu Soo Bandhigay Xalay.

Wargayska As Ayaa Isagu Ciwaan Uga Dhigay Bogiisa Hore Ee Maanta Oo Arabaca Ah Soo Baxay.Xaalad Caafimaada

Goolkii Cajiibka Ahaa Ee Uu Ronaldo Dhaliyay Ayaa Sidoo Kale Qabsaday Dhamaan Boga Hore Ee Wargayska Marca Iyaga Oo Sheegaya In Uu Sameeyay Taariikh Kadib Gooklaas Cajiibka Ah.

Wargayska Ka Soo Baxay Catalonia Ee Mundo Deportivo Ayaa Iyagu Bogooda Hore Halka Sare Kaga Qoray Cristaino Ronaldo Laakiin Boga Intiisa Kale Ku Qoray Xiddigooda Lionel Messi.

Kaliya Wargaysyada Spain Oo Kaliya Ayaan Ahayn Kuwii Sida Weyn Uga Hadlay Goolkii Ronaldo Laakiin Waxa Jira Wargaysyada Reer Yurub Oo Sidoo Kal Ka Hadlay Goolkaa.

Wargayska Reer Italy Ee Corriere Dello Sport Ayaa Goolka Ronaldo Ku Sheegay “Farshaxan Shaqo”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga